Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Muxaadaradda ka socota Masaajidka Xaaji Cali ee Garowe oo looga hadlay Midnimadda umadda(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp)Nadwadii ka socotay masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garowe ayaa gashay habeenkeedii afaraad ,caawa waxaa lagu lafa guray nadwadaa maxaadaro cinwaankeedu yahay MIDNIMADA ,waxaa soo jeediyay maxaadarada qaybteedii hore SHIIKH MUXAMMUUD XAAJI YUUSUF ,muxaadarada shiikha ayaa diiradda saartay saddex arimood oo kala ah

1 copy copyÿ maxay tahay midnimo

ÿ shareecadu maxay ka qabtaa

ÿ dadku inay is khilaafaan maxay diintu ka qabtaa

ÿ maxaa lagu gaari karaa midnimo.

ÿ saamaynta midnimadad iyo kala tagga ay bulshada.

waxaa uu shiikhu ku macneeyay midnimada in laga wado labo arimood oo ah:

• in hal meel laga maamulo oo looga taliyo

• in lagu midoobo hal sharci oo ah sharciga islaamka .

2 copyWaxa uu sheegay shiikhu in midnimada ummadu tahay arin waajib ah sida ilaahay iyo rasuulkiisu ay ku fareen diintiisa ,waxaana xaraam ah oo aan diinta ku bannaanayn kalatagga iyo iskhilaafka.

Sidoo kale shiikhu waxa uu adkeeyay in ay muhim tahay inaan ku dadaalno midnimada iskana ilaalino kala tagga iyo iskhilaafka oo keeni kara dhibaato wayn aduun iyo aakhiraba maadaama ay kamid tahay in kalatagga umadda laga shaqeeyo danbiyada waawayn ee kabaairta ahshiiku waxa uu wax lalayaabo ku tilmaamay in dadku ay la fududahay in laga shaqeeyo kalatagga ummadda taasina ay sabab utahay in aan loo arag inmidnimadu diin tahay oo ay tahay inla ilaaliyo sida salaadda loo ilaalinayo.

FAAIDADA MIDNIMADA :

3 copySHIIKHU waxa uu sheegay in midnimada lgu gaarayo awood iyo in laga hortagao cadawga umadda iyo wax kasta oo masaalixdeeda wax u dhimaya ,dhanka kale ayuu sheegay in kalatagga aan ka dhaxalay tabar darro iyo in baddeenii la boobay oo aan caalamka sharfteenii ku dhacday.

Shiiku waxa uu xoojiyay in waajib tahay in aan hoos nimaano kana amarqaadano cidda aan masuuliyadda u dhiibanay ,ayna khalad tahay in aan doorano cid hadana aan ka hornimaano burburinana midnimada.

4 copy

WAXYAABAHA LAGU ILAALIYO MIDNIMADA:

v shiiku waxa uu sheegay waxa ugu horeeya ee aan midnimada ku ilaalinayno inay tahay in aan ilaahay ka cabsano una aragno midnimada shay diin ah oo aan la khilaafi karin.

v arinka labaad waa in aan ka fogaanno wax kasta oo keeni kara in umaddu kalatagto.

v in aan iska ilaalino waxayaabaha keeni kara isku dhaca umadda sida cayda, dagaalka ,dhaca iyo boobka ,sharfdilka,carada ,isku dirka ,xanta,qabyaaladda,iwm.

v waxaa lo baahna yahay si loo ilaaliyo midnimada in la isfaro wanaaggaxumahana la iska reebo.

v in la istaakuleeyo la isna garab qabto oo qofka dhibaataysan gacan lasiiyo .

v in la wada qabsado xarigga ilaahay, shiikha ayaa sheegay in aan soo tijaabinay nidaamyo kal gadisan sida

4 copydimuqraadiyad,shuuciyad,diktaatooriyad,dhamaantoodna wanaag aannaan ku gaarin haddana loo baahan yahay in aan ku midawno diinta ilaahay iyo xarigiisa.

v in haddii la isqabto oo khilaaf yimaado in lagukala boxo ilaahay diintiisa

v in aan laga horimaan madaxda ummadda ,shiikhu waxa uu adkeeyay

5 copyDhibaatada ka dhalankarta in madaxda laga horyimaado hadaan Soomaali nahayna aan soo tijaabinay maantana aan aarkayno waxa ka socda dunida ,shiikha ayaa sheegay in aan loo fasiran in uu ula jeedo cidgaara,haddii cid la doorto mudo cayimana ay tahay in l a ilaasho maadaama ay tahay wax lagu heshiiyay.

v waxaa kale oo lagu ilaalin karaa midnimada in la helo dulqaad iyo in aan laga jawaabin wax kasta

Waxa uu shiiku ku soo gabagabeeyay in la ilaasho midnimada ummadda ,waxbadanna laga tnaasulo si loo ilaasho ,lagana fakaro had iyojeer danta guud iyo maslaxadda ummadda .

6 copyMaxaadarada qaybteedii danbe ayaa waxaa qaatay shiikh AXMED YUUSUF DAAD oo ugu horayntii uduceeyay shiikhii kahoreeyay kuna ammaanay sida wanaagsan ee uuga hadalay midnimada iyo isku duubnida.

Sidoo kale shiiku waxa uu sheegay in midnimadu tahay nimco ubaahan in laxagsado ilaahayna lagu mahadiyo Shiiku waxa uu soo jeediyay in ay noqoto midnimadu waxa ugu horeeya ee aan ka shaqayno anaga oo ku dayanayna nabiga (N.N.K) oo dawladdiisii ku bilaabay midaynta ummadda iyo walaalayntooda.

DSC02668 copyShiiku waxa uu adkeeyay in midnimadu tahay waxa lagu gaaro isulaab fiyoobaan,isu buradayn ,isqabqabsi la’aan,lagagana fogaanayo isnacaybka ,qabyaaladda,tanaasul l’aan,iwm.shiiku waxa uu ka digay in ahaddii midnimada la lumiyo ay ka faaidaysanayso cidkasta sharka ka shaqaysa.

DSC02686 copyShiikhu waxa uu ku kusoo gabagabeeyay in qofkasta oo masuuliyad haya meelkasta bulshada hakaga jiree xil kasaaranyahay inuu ilaasho midnimada iyo isku duubnida,noqdana qof bulshadu ku dayato.

DSC02704 copy DSC02705 copy DSC02706 copy

Culimadda ayaa nasoo gaarsiisay
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>