Garowe(pp) Ciidanka kala duwan ee dowladda Puntland ayaa maalmihii ugu danbeeyay howlgalo ammaanka lagu adkaynayo waxay ka wadeen dhamaan xaafaddaha magalada,ka dib markii la gudo galay wajiga labaad ee adkaynta amnia xiliga doorashadda.
Taliyaha ciidanka difaaca ahna hoggaamiyaha howlgalka adkaynta amniga xiliga doorashadda General Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay baro kaantarool oo ammaanka lagu adkaynayo ay ka samayn doonan dhamaan xaafadaha magalada,si loola socda dhaq-dhaqaaqa ku cusub.
Wadooyinka muhiimka ah ee soo gala magalada iyo kuwo ka baxa ayaa waxaa lagu arkayay ciidan baaritaano adag ku samaynaya gaadiidka,waxana sidoo kale gaadiidka laga fiiqayay beersoolka madow.
Dhinaca kale guddiyadda xaafadaha magalada Garowe ayaa dhankooda bilaabay wacyi galino kala duwan oo dadka loo jeedinayo,kuwaasoo ku aadan in laga wada shaqeeyo amniga ciidankana lagu wargaliyo waxyaabaha laga shakiyo.
Marka laga tago adkaynta amniga Caasumadda,waxaa jira kulamo wali magalada uga socda Isimadda,kulamadaasi ayaa salka ku hayo sidii looga hortagi lahaa haddii ay dhacado is-fahan waa soo kala dhexgala murashaxiinta iyo khilaaf ka yimaado nidaamka lagu soo xulayo xildhibaanadda imaanaya sanadka cusub.
Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa dhankiisa wacad ku maray inay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonan cidii lagu helo fal amniga iyo hormarka lidi ku ah oo wax u dhimaya wadajirka shacabka Puntland.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe