Hargaysa(pp)Dadwayne tiro badan oo ka cabanaya biyo la’aan ka taagan qaar ka mid ah xaafaddaha magalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ayaa maanta dhigay banaanbax ay dareenkooda ku muujinayaan.
Banaanbaxaan ayaa ka danbeeyay ka dib markii ay shaqo joojin ku dhawaaqeen qaar ka mid ah gaadiidka biyaha dhaamiya ee xaafadaha dhexdooda ka shaqeeya,ka dib markii baarlamaanka Somaliland uu meel mariyay xeerka waddooyinka oo lacag dheeraad ah looga qaadayo gaadiidka.
Gaadiidlayda dhaamisa biyaha ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid aysan ka bixi karin,maadama dhaqaalaha soo gala uu aad u kooban yahay waxayna shaqo joojintaan soo sameeyeen saddexdii bari ee ugu danbeeyay.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya madaxda dowladda Somaliland iyo darawaladda inay ka heshiiyeen arrinta ay ka cabanayaan.
Habadda halkan hoose ka dhagayso war bixin arrimahaasi oo dhan ka hadlaysa.
Puntlandpost.com