Garowe(pp) Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi oo maanta lagu soo dhaweeyay magalada Garowe,ayaa sallaan ugu booqday guriga uu dagan yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse.
Booqashada uu ugu tagay Boqor Axmed, Islaan Ciise waxaa ku weheliyay qaar ka mid ah qoyska Reer boqor Muuse iyo cuqaal iyo waliba haween,iswaraysi ka dib waxaa saxaafadda la hadlay Cumar Boqor Muuse oo sheegay inay kasoo kictimeen magalada Qardho xarunta Gobalka Karkaar,sababta ay Garowe u yimaadeenna ay tahay isbarasho iyo in Boqor Axmed uu ka qayb galaya howlaha socda.
Islaan Ciise Islaan Maxamed Islaan Muuse oo hadal kooban soo jeediyay ayaa sheegay qof kasta oo reer Puntland ah inuu xaq u lee yahay in lagu soo dhaweeyay magalada Garowe oo ah meel umadda reer Puntland u dhaxaysa,wuxuna sheegay wixii warar ah ay dib u dhici doonan,balse Boqor Axmed ay kusoo dhawaynayaan magalada Garowe.
Imaatinka Boqor Axmed Boqor Cabdilaahi ee magalada Garowe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili la sheegayo inuu khilaaf soo dhexgalay Isimadda Garowe u jooga dhamaynta khilaafka murashaxiinta u jooga.
Kulan Isimadda qaarkood ay manta saddex qodob kusoo saareen ayaa la sheegayaa inay ka maqnaayeen Isimo ay ka mid yihiin Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.
Marka laga yimaado arrimahaasi waxaa muhar uu ka taagan yahay cida xaqa u leh Boqorka Beesha Daarood,maadama Burhaan Muuse Boqor oo Garowe ku sugan uu dhankiisa sheegtay inuu yahay Boqorka Daarood halka maalinkii doraadna magalada Bosaaso Axmed Boqor Cabdilaahi luugu caleemo saaray inuu yahay Boqorka Daarood.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe