Muqdisho(pp) Taliska ciidanka nabad ilaalinta u jooga gudaha Somalia ayaa maanta sheegay inay si xoogan u bilaabi doonaan howlgalo guud ahaanba ka dhaca gobaladda dalka si loo gaarsiiyo deegaanadda amniga iyo xasilooni.
Afhayeenka AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud oo saxafadda shir jaraa’id u qabtay ayaa sheegay inay jirto saluug ay shacabka AMISOM ka qabaan,balse dhowaan ay bilaabi doonan howlgalo waa wayn oo lagu cirib tirayo kooxaha nabadda iyo hormarka kasoo horjeeda.
Waxa uu sheegay dowladda Jabuuti ee uu ka socda inay guuto ciidan ah kusoo kordhin doonto ciidanka AMISOM ee ka jooga Gobalka Hiiraan,taasna ay qayb ka tahay dadaaladda lagu xoojinayo la-dagalanka kooxda Alshabab.
Ammaanka Muqdisho iyo guud ahaan kan dalka ayuu sheegay inay si wadajir ah uga wada shaqayn doonan,wuxuna hadalka afhayeen Cali Aadan kusoo aadayaa xili maalinkii shalay oo Jimce ahayd uu qarax dad badan laayay uu ka dhacay degmada Dayniile ee Gobalka Banaadir,kaasoo aysan wali sheegan kooxda alshabab.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho