Garowe(pp) Xildhibaan Maxamed Cali Guuleed oo ka mid ahaa baarlamaanka cusub ee Puntland ayaa maanta magalada Garowe kaga dhawaaqay inuu yahay shaqsi u taagan xilka afhayeenka Baarlamaanka.
Maxamed Cali Guuleed ayaa ka mid ahaa raggii la kowsaday baarlamaanka Puntland 1998-wuxuna sheegay inuu aqoon durugsan oo dhanka hoggaaminta baarlamaanka u lee yahay,sidaasi darteedna uu xilkaasi doonayo.
Waxa uu tilmaamay Xildhibaan Maxamed inay muhiim tahay in barlamaanka Puntland u helo hoggaamiye wanaagsan oo shacabkiisa u addeega.
Xildhibaanadda cusub ayuu ugu baaqay inay si cadaalad ah waajibaadka saaran u gutaan oo ay la xisaabtamaan gollaha xukumadda.
Xilka Afhayeenka gollaha wakiiladda Puntland ayaa waxaa isku soo taagan ragg ay ka mid yihiin Cabdirashiid Maxamed Xirsi.Siciid Xasan Shire,waxayna loolan adag ugu jiraan inay maalinta sabtida ah ku guulaystaan xilkaasi.
Xildhibaan Maxamed ayaa ugu danbayntii sheegay aqoon wanaagsan inuu u lee yahay howlaha baarlamaanka,taasna ay u saacidi karto inuu xilkaasi ku guulaysto.
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe