Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Walaac laga muujiyay habkii loosoo xulay baarlamaanka cusub ee Puntland(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp)Iyadoo ay doorashada madaxtinimadda Puntland ay ka harsan tahay maalmo kooban ayaa waxaa soo baxaya saluug baahsan oo laga muujiyay habkii loosoo xulay xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka.

1Kulan ay galabta ku yeesheen magalada Garowe qaar ka mid ah Odayasha iyo aqoon yahanka Beesha Cabdi Ciise ee Cumar Maxamuud ayay ku sheegeen inaysan raali ka ahayn sidii loosoo xulay xubnaha Beesha Cumar Maxamuud ay ku lee yihiin baarlmaanka.

Maxamuud Jaamac Diirshe oo ka mid ah Odayaasha Beesha Cabdi Ciise ayaa sheegay inay ka xun yihiin nidaamkii loosoo xulay xubnaha Cumar Maxamuud ay ku lee yihiin baarlamaanka,ayna arrintaasi beeshe shir deg deg ah ka yeelan doonan,maadama aysan raali ka ahayn nidaamka xulista.

Dr.Cali Axmed Shirwac iyo Muuse Maxamuud Samater oo ka mid ahaa dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inaan la aqbali karin natiijadda kasoo baxday soo xulista xildhibaanada cusub gaar ahaan Beesha Cumar Maxamuud,waxayna tilmaameen haddii ay sidaasi kusii socota ay dhibaato ka imaan karto.

Hadalka Odayaasha Cabdi Ciise ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili guddiga xalinta khilaafadka ay ku dhawaaqeen inuusan jirin wax khilaafka oo sidaasi usii wayn,howshuna ay ku dhamaatay si wanaagsan.

7 6 5 4 3 2

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>