Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Wafdiyo ka socda QM iyo Midowga Yurub oo la kulmay madaxwaynaha Puntland(Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Waxaa maanta magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ee Soomaaliyeed soo gaaray wafdiyo kala duwan oo ka socday Qaramarada Midoobay iyo Midowga Yurub waxana hoggaaminayay Amb.Nichalos Kay iyo safiir Michael Cevone,waxayna aqalka madaxtooyada kulan saxaafadu wax badan ka ogayn kula qaateen madaxwayne Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole.

2-Socdaalka saraakiishan ayaa salka ku haya sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen doorashada barito dhici doonta,maadaama QM iyo Midowga Yurub oo Somalia ka caawinayo arrimaha db u dhiska iyo adkaynta amniga.

5-Madaxwaynaha Puntland Cabdi-Raxmaan Farole ayaa ka mahad celiyay imaatinka Safiirka EU ee Somalia iyo ergayga QM ee Somalia,wuxuna sheegay madaxwaynaha inay aad ugu rajo wayn yihiin doorashadaan inay noqoto mid taariikhi ah.

4-Nichalos Kay ayaa dhowr jeer sheegay inay muhiim tahay inay Puntland ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah isla markasna lagu wada qanacsan yahay.

7-Wararka soo gaaraya Puntlandpost ayaa sheegaya murashaxiinta iyo wafdigaan maanta Garowe yimi inuu kulan xasaasi ah uga socdo xarunta PDRC,inkastoo aan wax war ah arrintaasi laga hayn hadana wararka ayaa sheegay inay ka wada xaajoonayaan sidii loo aqbali lahaa natiijada kasoo bixi doonta doorashada.

8- 3- 1- 6-

Wixii kusoo kordha socdaalka wafdigaan iyo kulanka PDRC ka socda kala soco Puntlandpost.com

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>