Barnaamijka Musharax Madaxweyne Dr. Cabdiraxman Sh. Maxamad Maxamud (Farole) ee Xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland ee Doorashada 2014
Bismillahi Raxmaani Raxiim.
ILAAH baa Mahad leh.
Guddoonka Baarlamaanka,
Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Puntland,
Guddiga Doorashada,
Guddiga Amniga, Ciidamada iyo Saraakisha,
Issimada iyo Culumada,
Haweenka iyo Dhallinyarada,
Wakiiladda Beesha Caalamka,
Marti sharafka,
Assalamu Calaykum Waraxmatullahi Wabarakaatu.
Sidaad ogtihiin-ba, Dowladda Puntland waxaa la aasaasay sanadkii 1998-kii waxayna ka kooban tahay gobolladii sanadkaas jiray oo ahaa Bari, Sanaag, Nugaal, Mudug, Sool iyo degmada Buuhoodle. Gobollada Puntland waxay maanta ka kooban yihiin: Bari, Sanaag, Nugaal, Mudug, Sool, Cayn, Karkaar, Haylaan, iyo Gardafui. Aasaaska Dowladda Puntland wuxuu ku yimid rabitaanka Shacabka Reer Puntland oo jecel nabadda, midnimada Somaliya, xasiloonidda, cadaaladda, Dowladnimada, iyo horumar dhinac kasta ah. Dhismaha Puntland wuxuu kale oo ahaa qaab dib-u-heshiisiineed ahna kan kaliya oo dib la isugu soo celin karo Dowladii Somaliyeed oo burburtay, taasoo ku salaysan nidaam Federaal ah.
Maanta Puntland waxay jirsatay 15-sano iyo bar waxaana la soo maray marxalado kala duwan, wax badan waa la soo qabtay, caqabado waa lala kulmay, wax badan oo loo baahanyahay in la qabto way dhimanyihiin. Tan iyo sanadkii 2009-kii oo aan qabtay xilka Madaxweynaha Puntland, waxay Xukuumadaydu soo hoyisay guulo iyo waxqabad la taaban karo, guulahaas oo ILAAHAY-na ogyahay, dadka Reer Puntland-na marag ka yihiin.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaa noo qorsheysan inaan qabano wax badan oo horumar ah, kuwaas oo ku qeexan Qorshaha Horumarinta Puntland ee 5-Sano ee soo socota (2014-2018) oo aanu soo bandhignay December 30, 2013. Waxaan aaminsanahay inaan qaadnay wadada saxda ah ee horumarka Puntland, hadii Golahaan sharafta leh dib ii doorantana, waxaan balanqaadayaa inaan ku tallaabsan doono barnaamijka hoos ku xusan, hadii Alle idmo:
- Sugidda amniga guud, kala dambeynta dalka Puntland iyo la dagaalanka cadowga Argagaxisada;
- Dib-u-heshiisiinta dadka iyo xaqiijinta midnimada Puntland ee Dastuuriga ah, sida ku cad Qodobka 7-aad ee Dastuurka Puntland;
- Soo-celinta dhulka Puntland ee maqan, sida ugu dhaqso badan;
- Dejinta iyo hirgelinta siyaasad-dhaqaale oo dheelitiran (financial and economic reform), taas oo suurtagelinaysa kobcinta dhaqaale ee Puntland;
- Kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee Puntland;
- Dib-u-eegidda, sixida, dhamaystirka, iyo dardargelinta nidaamka shaqo ee hey’adaha Dowliga ah;
- Xoojinta iyo gaarsiinta adeegga bulshada ee aasaasiga ah, gaar ahaan dhulalka fog ee Puntland;
- Tayaynta Hey’adaha Garsoorka iyo horumarinta Cadaaladda;
- Ilaalinta waxqeybsiga nidaamka Federaalka, la xisaabtanka Dowladda Federaalka iyo soo-celinta xaqa Dastuuriga ah ee ka maqan Puntland; iyo
- Horumarinta Xiriirka Caalamiga iyo deris-wanaaga, iyo xoojinta wada-shaqeynta Beesha Caalamka.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxaan halkaan idinku soo koobayaa wixii aan qabanay tan iyo doorashadii 2009-ka iyo caqabadihii naga hor yimid, oo la xiriira qodobada aan kor ku sheegay:
1. Amniga Puntland
- Waxqabadkii dhanka Amniga
- Dib-u-habaynta Ciidamada Amniga Puntland, sida Daraawiishta, Booliska, Asluubta iyo Sirdoonka;
- Dib-u-habaynta Ciidankii PIS loo yaqiinay (reform);
- Dhisidda Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) oo la dagaalama burcad badeeda iyo kalluumaysiga sharci-darrada ah;
- Tayaynta iyo tababarka ciidamada iyo saraakiisha Amniga, gudaha iyo Dibedda;
- Dhisidda iyo dayactirka Xarumaha Ciidamada, sida dhismaha cusub ee Ciidamada Booliska Puntland, Xarunta Ciidamada Asluubta, xarunta weyn ee Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) ee Boosaaso, dayactirka Xerada Ciidanka Daraawishta 54-aad ee Garowe, dhisidda iyo dayactirka xarumo iyo saldhigyo badan ee Ciidanka Booliska Puntland oo ay ka mid tahay Xarunta Tababarka Booliska ee Carmo;
- La dagaalanka iyo jebintii argagaxisada Al Shabaab ee Buuralayda Golis (Aug. 8 – Oct. 19, 2010) iyo fashilinta shirqoolo badan oo laga fulin lahaa magaalooyinka Puntland;
- Ciidanka Booliska Badda oo saldhigyo cusub looga sameeyey xeebaha bari, sida Eyl, Baargaal, Xaafun iyo Iskushuban, kana saaray burcad badeedii joogi jirtay xeebaha Puntland (maanta ma jiro markab lagu heysto xeebaha Puntland).
- Ku guulaysiga amniga gudaha, sida xallinta iyo ka hortaga colaadaha beelaha;
Caqabadihii dhanka Amniga:
- Argagaxisada ka howlgasha gobollada koonfuureed ee Somaliya, Puntland-na ka soo gasha dhinaca Buuraleyda Golis-ta galbeed oo Puntland ku furan;
- Ciidamada Amniga Puntland oo ku jira heegan joogta ah si loo xaqiijiyo nabadda Puntland;
- Ciidamada Amniga Puntland oo aan helin taageerada caalamiga ah (dhaqaale iyo agab) ee la siiyo ciidamada Dowladda Federaalka ee Muqdisho.
2. Midnimada Puntland
A. Waxaan ballaanqaadayaa inaan hirgalino dib-u-heshiisin dhab ah, si loo xaqiijiyo midnimada Puntland;
B. Anigoo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, waxay Xukuumadaydu ballanqaadaysaa dib usoo-celinta qeybaha maqan ee Gobolka Sool, waxaanu ka hirgalin doonaa nidaamka Dowliga ah, waxaan kaloo gaarsiin doonaa horumarka ay gaareen gobollada kale ee Puntland.
3. Arrimaha Dhaqaalaha
A. Waxqabadkii dhanka Dhaqaalaha
1. Isu dheelitirka Miisaaniyadda Dowladda (Balancing the budget);
2. La dagaalanka musuqmaasuqa iyo kobcinta Miisaaniyadda Puntland;
3. Dhamaystirka Qorshaha Horumarinta 5-Sano oo ka kooban: 1) Amniga; 2) Dowlad-wanaaga; 3) Waxsoosaarka; 4) Cadaaladda; 5) Arrimaha Bulshada; 6) Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha;
4. Xakamaynta sicir-bararka Shillin Somaliga;
5. Hirgalinta mashruucii Qodista Shidaalka Puntland;
6. Hirgalinta suuqyo lagu iibiyo kalluunka Puntland;
7. Furidda Maxjarka Xoolaha 2aad ee Boosaaso;
8. Dhamaystirka iyo furida Terminal-ka Madaarka Boosaaso;
9. Dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe iyo Terminal-ka;
10. Dhisidda iyo dayactirka waddooyin laami ah ee magaalooyinka Puntland (JPLG Program);
11. Hirgalinta mashaariicda xeebaha bari ee Puntland;
12. Hirgalinta mashruuca Puntland Radio / TV oo gudaha iyo dibedda maanta laga daawado;
13. Waxaa inoo qorsheysan dib u sixida nidaamka dhaqaalaha iyo hirgelinta siyaasad-dhaqaale oo dheelitiran (financial and economic reform), taas oo suurta-gelinaysa kobcinta dhaqaalaha Puntland iyo dhiirigelinta waxsoosaarka gudaha, iyadoo dhakhliga kor loo qaadayo, kharashkana la dhimayo.
- Barnaamijyadda horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee hadda diyaarka ah:
1. Dhisidda laamiga Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso (runway);
2. Dhisidda laamiga Garoonka Diyaaradaha Garowe (runway) iyo Jaamacadda Badhan;
3. Dayactirka laamiga garoonka Galkacyo;
4. Qorshaha hirgalinta Kastamka isku xira Puntland iyo gobollada bari ee Ethiopia;
5. Dayactirka wadada laamiga ah oo isku xirta gobollada Puntland (Galkayo-Bossaso, Garowe-Las Anod);
6. Mashaariicda horumarinta Degmada Caluula (iskuul, xarun caafimaad, Dowlada Hoose, ceelal biyo);
7. Mashruuca fidinta caafimaadka ee guud ahaan gobollada Puntland (156 goobo caafimaad);
8. Mashruuca ilaalinta deegaanka ee guud ahaan gobollada Puntland;
- Caqabadihii dhanka Arrimaha Dhaqaalaha
1. Sicir bararka Dollar-ka iyo qiimo kororka Shillinka laga soo bilaabo August 2011-kii, markii lacag badan oo Dollar ah ay Muqdisho gashay xilligii abaaraha iyo lacagaha kale ee Beesha Caalamka;
2. Waxaa loo baahnaa daabacadda lacag cusub oo farqiqa sicirka (33%) soo kabta laguna bedalo lacagta go’goday, arrintaas oo ah mas’uuliyadda Dowladda Federaalka, heshiis aan fulin-na horre uga yiilay;
3. Hoos u dhaca dhaqaalaha guud ee Dunida oo saamayn xoogan ku yeeshay dhaqaalaha Puntland.
4. Dardargelinta Howlaha Hey’adaha Dowliga ah
Waxqabadkii
A. Waxaa la sameeyey dib u eegidda Dastuurka Puntland, laguna ansixiyay Shirweynihii Dastuurka Puntland (Apr 18, 2012)
B. Waxaa la sameeyey Calanka iyo Astaanta Puntland oo aasaas u ah dhamaystirka Dowladnimada Puntland;
C. Waxaa la ansixiyay Xeerar cusub, gaar ahaan dhanka Amniga iyo nidaamka xisbiyadda badan;
D. Waxaa la baahiyay mamulka illaa Heer Degmo (decentralization), waxaana Gole Deegaan loo sameeyey degmooyin badan;
E. Waxaa la dhisay Aqalka Baarlamaanka, Qasriga Madaxtooyadda Puntland, iyo xarumo cusub ee Wasaaradaha Dowladda Puntland;
F. Waxaa laga shaqeeyey dhowrida arrimaha Xuquuqul insaanka;
G. Waxaa la dajiyay lana siiyey adeegyada aasaasiga ah barakacyaasha gudaha (IDPs) ee ku nool Puntland;
Qorshayaasha mustaqbalka:
H. Waxaanu xilalka Dowladda u magacaabi doonaa mas’uuliyiin aqoon, xirfad, karti iyo hufnaan u leh hogaaminta hey’adaha Dowliga ah;
I. Waxaanu dhamaystiri doonaa Hey’adaha Dastuuriga ah ee Puntland, sida Maxkamadda Dastuurka, Guddiga Culumada Puntland iyo Hey’adda Difaacaha Xuquuqda Aadanaha;
J. Waxaanu dib u eegi doonaa, kuna samaynaynaa sixid iyo dardargelin, habraaca shaqo ee Hey’adaha Dowladda si loo hirgaliyo barnaamijyadda horumarineed ee dalka;
K. Waxaanu hirgalinaynaa in hey’adaha Dowliga ah ay ku howgalaan waajibaad shaqo (job description);
L. Waxaanu xoojin doonaa wadashaqaynta iyo xiriirka laamaha Dowliga ah, sida Xukuumadda, Baarlamaanka iyo Garsoorka, si howlaha Dowladda u socoto oo wax badan u qabsoomaan.
5. Adeegga Bulshada
A. Daryeelka iyo horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Deegaanka, iyo Haweenka iyo Dhalinyarada wax badan oo aan lasoo koobi karin ayaa laga qabtay. Xukuumadaydu waxay ballanqaadaysaa in la sii xoojin doono howlihii iyo mashaariicdii socday, laguna fidin doono guud ahaan gobollada dalka;
B. Waxaanu tayayn doonaa cududa ka shaqaysa arrimaha bulshada, kuwaas oo aanu kor u qaadi doono aqoontooda iyo noloshooda;
C. Waxaanu si dhamaystiran u hirgalin doonaa siyaasadaha Dowladda oo haatan jira loona dejiyay horumarinta arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Deegaanka, Dhalinyarada, IWM.
6. Hey’adda Garsoorka
Waxqabadkii dhanka Garsoorka
- Waxaa horumar wayn laga gaaray hirgalinta sharciga iyo kala dambeynta Dalka;
- Waxaa la Maxkamadeeyey lana xukumay dambiileyaasha, sida kooxda argagaxisada oo qaar lagu xukumay laguna fuliyay xukuno qisaas ah, si waafaqsan Shareecadda Islaamka;
- Waxaa la dhisay Xarunta iyo Akadeemiyada Ciidanka Asluubta Puntland;
- Waxaa sidoo kale la dhisay xarunta Wasaaradda Cadaaladda iyo Dhaqancelinta Puntland;
- Waxaa la balaariyay Xabsiga Boosaaso, dib loo dhisay lana dhamaystiray Xabsiga Qardho, waxaana magaalo madaxda Garowe laga dhisay Xabsi cusub oo casri ah;
- Waxaa la dayactiray xarunta Maxkamadda Puntland ee Garowe;
- Waxaa la xoojiyay nidaamka Garsoorka, waxaana kor loo qaaday Misaaniyadda Garsoorka iyo aqoonta Garsooreyaasha, Xeer-ilaaliyeyaasha iyo Howlwadeenada Hey’adda Garsoorka;
- H. Qorshayaasha soo socda waxaa ka mid ah:
- In la dayactiro xabsiyo horre lana dhiso xabsiyo cusub ee gobollada Puntland;
- Waxaa la tayaynayaa aqoonta mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha Garsoorka dalka;
- Waxaa la xoojinayaa agabka iyo xarumaha Hey’adda Garsoorka.
7. Arrimaha Federaalka
Waxqabadkii dhanka Arrimaha Federaalka
A. Ka qeybqaadashada dhamaystirka Xilligii KMG ahaa ee Dowladda Somaliya iyo qabashada shirarkii Dastuuriga ahaa ee Garowe 1 iyo 2, iyo Shirkii Galkacyo (2011-kii iyo 2012-kii);
B. Ka qeybgalka shirarkii caalamiga ahaa ee Roadmap-ka (Nairobi, Addis Ababa), shirarkii Contact Group (Djibouti, Uganda, Denmark iyo Italy), iyo shirarkii caalamiga ahaa looga hadlayay arrimaha Somaliya laguna qabtay magaalooyinka London, Istanbul, Dubai iyo Brussels;
C. Ka qeybgalka Shirkii New Deal ee dib-u-dhiska Somaliya iyadoo ay Puntland helidoonto qoondo u gaarka ah;
Caqabadihii dhanka Arrimaha Federaalka:
A. Dowladda Federaalka waxay wax ka bedelid sharci-darro ah ku samaysay Dastuurkii Federaalka ah oo lagu heshiiyay, lagu saxiixay magaalada Nairobi (June 22, 2012), laguna ansixiyay Shirkii Muqdisho August 1, 2012;
B. Dowladda Federaalka waxay ku ballan-furtay heshiisyadii ay la gashay Dowladda Puntland, August 2009-kii, August 2012-kii, iyo March 2013-kii;
C. Dowladda Federaalka waxay sidoo kale ku ballan-furtay heshiiskii (March 2012) daabacadda lacagta Shillin Somaliga oo duugooday suuqana kasii baxaysa;
D. Dowladda Federaalka waxay fulin wayday waxqaybsiga mashaariicda lagu helo magaca Somaliya, dhanka amniga, taageeradda dhaqaale, tacliinta (scholarships), IWM;
E. Dowladda Federaalka waxay jabisay talo-wadaagii arrimaha Qaran oo Dastuuriga ahaa;
8. Xiriirka Caalamiga ah
Waxqabad
A. Soo celinta heybadii iyo miisaankii Puntland ee Somaliya iyo Beesha Caalamka;
B. Adkeynta iyo kasbashada saaxibo badan oo Heer Caalami ah;
C. Dib usoo celinta hey’adihiii Caalamiga ahaa ee U.N.-ka iyo hey’adaha kale ee samafalka inay Puntland dib uga howlgalaan;
D. Imaatinka dalka Wufuud Caalami ah iyo kor u qaadida sumcadda Puntland heer Caalami ah;
E. Safaradii Dibedda ee danaha Puntland aan u aaday dalalkii nagala casumay: USA, UK, Italy, India, UAE, Yemen, Libya, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Turkey, Uganda, Kuwait, Belgium, Australia;
F. Waxaa intaas sii dheer safarada ay danaha Puntland darteed xubnaha Goleyaasha Dowladda ay ku tageen dalalka Qaaradaha Dunida, dalalkaas oo aan lasoo koobi karin; iyo
G. Soo jiidashada mashaariic caalami ah oo ka hirgala Puntland.
Mudane Gudoomiye, Mudanayaal iyo Marwooyin,
Puntland waa Hooyadii Somaliya waxaana lagama maarmaan ah in la xaqiijiyo midnimadeeda, ayna u horseedo dib usoo celintii midnimada Somaliya, iyadoo la raacayo nidaamka Federaalka ee Dastuuriga ah, maxaa yeelay Soomalidu waa isku dad waana isku dal. Waxaan aaminsanahay in Federaal-nimadu ay tahay nidaam dib-u-heshiisiineed, kaasoo noqonaya mid waxna la wadaago waxna la kala leeyahay, siduu uu jideeyey Dastuurka runta ah ee Somaliya.
Sidaad ogtihiin, Puntland waxay leedahay cadow badan oo ah mid siyaasadeed iyo mid argagaxiso, waxayna u baahan tahay Hogaamiye lasoo tijaabiyey oo daafici kara Puntland, xuquuqdeedana usoo celin kara.
Waxaan ballanqaadayaa inaan hore usii wadno horumarka Puntland aan gaarsiinay, gaar ahaan dhanka xoojinta amniga Puntland, dib usoo celinta dhulka maqan, dib u habaynta nidaamka dhaqaalaha, sixidda hey’adaha Dowliga ah, iyo hirgalinta barnaamijka Dowlad-wanaaga.
Haddii Golahaan sharafta badan uu codkiisa isiiyo, waxaan kaloo ballan qaadayaa dib u bilaabida nidaamka xisbiyada badan oo baahida loo qabo aanu wada ognahay, dhamaystirka kaabayaasha dhaqaalaha ee qabyadda ah sida garoomada diyaaradaha iyo waddooyinka, iyo mashaariicda horumarineed ee adeegga bulshada.
Sidoo kale, waxaanu la xisaabtamaynaa Dowladda Federaalka oo magaca Somaliya dhaqaale iyo taageero dhanka amniga iyo horumarinta ku qaadata, si Puntland ay u hesho qeybta ay xaqa u leedahay. Ugu dambeyntii, Puntland waxay ku dhaqaaqday jidka midnimada, nabadda, cadaalada, wadajirka iyo horumarka, waxaana muhiim ah in la sii wado geedi-socodka iyo barnaamijyadda Dowladda.
Waxaan si sharaf leh idinka codsanayaa inaad codka isiisaan. Mahadsanidiin.
Wabillahi Towfiiq.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe