Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Dalada PUNSAA oo rajo wanaagsan ka muujiyay doorashada madaxtinimada Puntland(dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Daladda ay ku midaysan yihiin ururada aan dowliga ahayn ee PUNSAA ayaa wax lagu furxo ku tilmaamtay in la helo baarlamaanka la isla ogal yahay oo aan wax muran iyo khilaaf ah ka imaan.

IMG_1187

Gudoomiyaha ku xigeenka PUNSAA

Gudoomiye ku xigeenka PUNSAA Cabdifutaax Maxamed Sugule oo la hadlayay Puntlandpost ayaa sheegay inay guul taagan yahay,maadama ay wax ka fuleen baaqyadii is-daba jooga ahaa ee ay soo saareen,wuxuna sheegay inay muhiim tahay haweenka Puntland ee Soomaaliyeed inay helaan xaquuqda ay ku lee yihiin siyaasada iyo go’aan gaarida.

Waxa uu sheegay Puntland inay u baahan tahay hoggaamiye wanaagsn oo shacabkiisa si wanaagsan ugu addeega,midnimada xooga saara iyo xiriirka caalamiga ah,Sugule ayaa sheegay sifooyinka hoggaamiyaha la doonayo laga rabo inay tahay inuu lee yahay aqoon,khidbad iyo karti si uu yoolkiisa guul hufan ugu gaaro.

Maalinta barito ah oo ay taariikhduna ku beegan tahay 8-Janaayo ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada xafiiska madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka,iyooda labadaasi xil ay u taagan yihiin xildhibaano kor u dhaafaya 20 murashax.

 

 

Cali Cabdi Ducaale

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>