Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Beesha caalamka iyo murashaxiinta Puntland oo ka shiray arrimaha doorashada

$
0
0

Garowe(pp) Magalada Garowe waxaa maanta soo gaaray wafuud ka socota beesha caalamka,waxayna kulamo goono gooni ah la qaateen madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada.

Kulan PDRCWafuudaan beesha caalamka ka socota ayaa iskugu jira kuwo ka socda QM,EU,IGAD iyo diblomaasiyiin,waxayna kulankooda ay la qaateen murashaxiinta oo caaway ka dhacay aqalka PDRC looga wada hadlay arrimaha doorashada iyo nin kasta oo murashax ah inuu ku qanco natiijada kasoo baxda,si loo wajaho howlaha baaxada wayn ee shacabka Puntland horyaala.

Ergayga gaarka ah QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nichalos Kay oo horay usoo diray la taliyihiisa Nuuradiin Aadan Diiriye ayaa murashaxiinta ka codsaday inay aqbalaan maalinta barrito ah doorashada wixii kasoo baxa,isla markasna lala shaqeeyo madaxwaynaha cusub.

Beesha caalamka ayaa dhankeeda sheegtay inay si wanaagsan ula shaqayn doonan madaxwaynaha cusub oo ay Puntland yeelan doonto,ayna muhiim tahay in meel looga soo wada jeesto midnimada iyo horumarka.

Inkastoo kulankaasi saxaafada aysan xog badan ka hayn,hadana waxaa loo badinayaa inuu la xariiro arrimaha doorashada oo kaliya.

Caaw ayaa si wayn loo adkeeyay ammaanka,wadooyinka muhiimka ah ayaa lagu arkayaa ciidamo faro badan,kuwaasoo baaritaano ku haya gaadiidka,waxana sida uu sheegay Taliyaha ciidanka difaaca bari xiray laamiga dheer ee xariiriya Puntland.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>