Garowe(pp) Ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia ,Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,ayaa maanta baarlamaanka Puntland u doorteen madaxwaynaha shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Puntland,ka dib markii uu ka guulaystay madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole.
Gaas iyo Farole ayaa isla gaaray wareegii ugu danbeeyay ee lagu kala baxo codka hal dheeriga ah,taasoo u heshay Mudanae Gaas inuu guusha ku raacdo 33-cod halka Farolena uu helay 32-cod.
Marka uu ku guulaystay madaxtinimadda Puntland Dr.Cabdiwali Cali Gaas waxaa guud ahaan deegaanada Puntland ka bilowday damaashaad iyo isku soo baxyo lagu taageerayo.
Madaxwayne Cabdiwali Maxamed Cali oo goobta hadalka looga yeeray ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka maanta loo doortay,wuxuna sheegay inuu ka dhamayn doona waxyaabaha uu balan qaaday.
Hadalka ka dib Gaas ayaa la dhaariyay,
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa soo dhaweeyay madaxwaynaha cusub ee Puntland,wuxuna sheegay inuu ku faraxsan yahay sida wanaagsan ee ay doorashadu u dhacday,balse madaxwaynaha cusub ayuu kula dardaarmay inuu waxqabad hufan uu muujiyo.
Beesha caalamka ayaa soo dhawaysay doorashada Puntland,waxayna u hambalyeeyeen madaxwaynaha cusub ee Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Somalia ayaa doorashada maanta dhacday ku tilmaamay mid dimoqraadiyad ah oo ku dayasho mudan,wuxuna shacabka iyo madaxda cusub u rajeeyay guul iyo midnimo inay ku noolaadaan.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa kula dardaarmay madaxwaynaha cusub inuu oofiyo balanqaadyadii uu sameeyay,
Madaxwaynaha cusub ee Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa horyaalo howlo culus oo ay ugu horayso midnimada iyo adkaynta amniga iyo waliba wax ka qabasada xiriirka xumaaday ee u dhaxeeya Puntland iyo DFS.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in la qabto kulan uu xilka kula wareegayo madaxwaynaha cusub ee Puntland,taasoo aan la carabaabin maalinta ay qabsoomayso.
Docda kale fadhiga baarlamaanka ayaa qabsoomayo maalinta isniinta ee socota,waxana sidaasi sheegay gudoomiyaha baarlamaanka Siciid Xasan Shire.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe