Garowe(pp) Madaxwaynaha cusub ee Puntland Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Camey ayaa maanta kulan gaar ah waxay hoolka shirarka Hotel New rays kula qaateen murashaxiintii u tartamaysay xilka madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeenka Puntland.
Kulankan oo ahaa mid uu madaxwaynaha Puntland qado sharafeed ugu samaynayay murashaxiinta ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay Gudoomiyihii murashaxiina Gen.Cabdilaahi Siciid Samater,wuxuna sheegay marka hore inay soo dhawaynayaan kulankan uu la qaatay madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa.
Waxa uu sheegay Generaalku inay muhiim tahay in isbadalka cusub ee ka hano qaaday Puntland uu la yimaado waxqabad muuqda oo dadku ay u wada siman yihiin,wxuna tilmaamay madaxwaynaha in laga doonayo inuu oofiyo balanqaadyadii uu doorashada ku galay.
Madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa uga mahad celiyay afgaarta ay murashaxiinta soo jeediyeen,wuxuna sheegay inuusan kaligiis iyo madaxwayne ku xigeenka aysan waxba qaban karin balse loo baahan yahay in laga wada qayb qaato hormarinta deegaanadda Puntland.
Gaas ayaa sheegay inuu u furan yahay cid kasta albaabkiisa uuna qaadan doono afgaaradka dalka lagu hormarin karo,wuxuse codsaday inan waqtiga looga lumin qaabilaad oo laga sugayo inay howl badan qabtaan.
Waxa uu Madaxwayne Gaas horay u balan qaaday howlaha ay dowladdiisa qaban doonto inay u wada sinaan doonan shacabka Puntland.
Dhinaca kale wararka soo gaaraya war-qabadka Puntlandpost ee Garowe ayaa sheegaya madaxwanaha iyo murashaxiinta inay lee yihiin kulan saxaafadu ay dibad joog ka tahay kaasoo aan la aqoon waxyaabaha looga wada hadli doono.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe