Garowe(pp) Wasiiraddii hore ee haweenka Puntland Caasho Geele Diiriye ayaa loo magacaabay inay hoggaamiso guddi loo saaray caleemo saarka madaxda cusub ee talada Puntland la wareegay 8-da Janaayo.
Gudoomiyaha guddiga xafladda caleemo saarka Caasho Geelle ayaa sheegtay xafladu inay dhici doonto maalinta jimcada taariikhduna ay ku beegan tahay 24-ka bishaan aanu ku gudo jirno.
Wakiilo kala duwan oo beesha caalamka iyo dowladdaha dariska la ah Somalia iyo waliba fanaaniin iyo marti sharaf kale ayaa lagu wadaa inay xaflada kasoo qayb galaan.
Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdi-Raxmaan Farole ayaa lagu wadaa inuu xilka wareejiyo maalinta salaasada.
Halkan hoose ka dhagayso Caasho Geelle oo waraysi siisay Radio Daljir
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe