Garowe(pp) Madaxwaynihii hore ee Dowladda Puntland Dr.CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole oo maanta si rasmiga xilka ugu wareejiyay madaxwaynaha cusub Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa jeediyay khudbad taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa.
CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa sheegay haddii uu meesha ka baxay inuu yimi mid isaga la mid ah oo howlihii Puntland ka socday sidoodii usii wadaya,wuxuna tilmaamay Puntland inay tahay hal mid oo horseed u ah Somaliya oo idil.
Waxa uu sheegay Farole inuu ku faraxsan yahay habkii ay doorashadu u dhacday,wuxuna sidoo kale sheegay inuu maantey ku faraxsan yahay munaasibada ballaaran ee uu xilka madaxtooyada ugu wareejiyay madaxwayne Gaas.
”Waxan ku farax sanahay inaan madaxwaynaha cusub ku wareejiyo madaxtooyada faylasha dowlada,ciidanka madaxtooyada iyo dhamaan howlaha kale ee ka socda Puntland sida mashruuca Dayactirka wadada dheer ee isku xirka Gaalkacyo iyo Garowe,mashaariicada kale ee qabyada sida dhismaha garoomadda diyaaraha iyo howlaha kale ee hadda socda”Farole.
Mudane Farole ayaa balan qaaday inuu si hufan oo wanaagsan ula shaqayn doono madaxwaynaha cusub”waxan balan qaadayaa wixii aan awoodi karo ama talo ah inaan siiyo anigoo aanan noqonayn mid wax ku qabsada haba yaraatee”.
”Waxan ku faraxsanahay dadka Puntland inay midaysan yihiin waxan kaloo ku faraxsanahay in midnimada Puntland la ilaliyo Somaliyada kale wixii la awoodo lala qabto,waxan rajaynayaa kuwoo ku faraxsanaa inaan meesha ka baxo mid aniga ila mid ah baa meesha yimi taas ogaadao”.
Farole waxa uu sidoo kale u mahad celiyay dowladaha sida tooska ah ula shaqeeyay Puntand,wuxuna sidoo kale mahad u diray xafiiska QM ee Somalia.
Dadka falanqeeya arrimaha Puntland ayaa tilmaamay xil wareejinta uu maantey sameeyay madaxwayne Farole inay tahay mid taariikhi ah oo sidaan oo kale aan waligeed uga dhicin Puntland.
Halkan hoose ka dhagayso Khudbadii madaxwaynihii hore ee Puntland Dr.CabdiRaxmaan Farole.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe