Garowe(pp) Madaxwaynaha cusub ee maanta xilka la wareegay Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa khudbad uu munaasibada uu xilka kula wareegayay kasoo jeediyay ku tilmamay madaxwaynihii ka horeeyay shaqsi wanaagsan oo aan laga maarmi karin.
Cabdiwali Maxamed Cali ayaa sheegay Puntland inay meenta ka jirto dowlad-nimo rasmiya oo lagu faani karo iyo mashaariic hormarineed oo shaqaynaya”saan horay u sheegay madaxwayne Farole xilka ayuu wareejiyay nagama tagin iyo madaxwayne ku xigeenka,talooyinkiisa ayaan u baahan nahay macluumaadka uu hayo ayaan lagama maarmi karin waana u ducaynaaa”.
Madaxwayne Dr.Gaas ayaa sheegay maanta inay yihiin hal mid iyo hal u jeedo,wuxuna sheegay inuu doonaya in la helo midnimada iyo wadajir ka aslaxda Puntland,si hadhow loola aado Somaliwayn.
”Diyaar ayaan u ahay wada shaqayn.waxaan codsanayaa in nala siiyo waqti aan ku shaqayno yacnii inta aan xukumadda soo dhisayno”.
Prof.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ra’iisulwasaare kasoo noqday dowladdii KMG ahayd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Halkan ka dhagayso Khudbadii madaxwayne Gaas ee maantey
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe