Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Boocame:Haweenka Degmada Boocame oo ka hadlay doorashadii Dr.Gaas(Dhagayso)

$
0
0

Boocame(pp) Kulan ay maanta iskugu yimaadeen haweenka Degmada Boocame ee Gobalka Sool,ayaa waxay kaga hadleen doorashadii 8-Janaayo ka dhacday magalada Garowe.

PM-Abduweli-M-Ali-GaasAamino Cabdi Xuseen waxay ka mid tahay Hooyooyinkii kulankaasi ka qayb galay,waxayna Radio Garowe u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin hanaankii ay doorashadu ku dhacday,madaxwaynaha cusub ee Puntland Dr.Gaas-na looga fadhiyo inuu hirgaliyo waxqabad wanaagsan dibna usoo celiyo deegaanada maqan.

Waxay kaloo Aamino Cabdi Xuseen tilmaamtay inay muhiim tahay haweenku inay kuraas ka helaan mamulada gobalada iyo Gollaha wasiiradda,maadama haweenku ay laf dhabar yihiin.

Haweenka Puntland ayaa labo kursi oo kaliya ka helay gollaha wakiilada,waxayna wali ku hanwayn yihiin inay ka faa’iidaystaan fursadaha banaan.

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>