Garowe(pp) Madaxwaynaha Dowladda Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa madaxtooyada kulan kula qaatay gollaha wasiiradii hore ee xukumaddii Farole.
Kulankan ayaa looga wada hadlay dhowr qodob oo sal dhig u ah in wasiiraddu ay sii shaqayn doonan inta laga soo magacaabayo gollaha wasiirada,in la iska xog waraysto xaalada Puntlad iyo is-barasho.
Wasiiru dowlihii mamul wanaaga Puntland Maxmaed Faarax Ciise(Gaashaan) oo la hadlayay Radio Garowe ayaa sheegay kulanku inuu ahaa mid dhacay oo madaxda cusub ee Puntland ay xogta ka qaadanayeen wasiiradii hore,wuxuna sidoo kale Gaashaan sheegay inay kulankooda kaga hadleen habkii ay u dhici lahayd xaflada caleemo saarka madaxda cusub.
Madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Xaaji Camey ayaa wali ku mashquulsan soo magacaabista gollaha wasiirada,iyadoo shacabka Puntland ay dhagta u taagayaan tirada ay noqon doonto wasaaradaha dowladda.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe