Garowe(pp) Dad ka kala yimi Gobalada Puntland ayaa mudo saddex cisho ah waxay ka hadlayeen sidii looga hortagi lahaa dhibaataynta deegaanka iyo sidii loo joojin lahaa dhuxusha la shito.
Kulanka bilowgiisii iyo dhamaadkiisiiba waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda wasaradda deegaanka iyo culimada Gobalka Nugaal,waxayna sheegeen inay muhiim tahay in laga wada qayb galo bad baadinta deegaanka oo sii dabar go’aya.
Wasiir ku xigeenka deegaanka Burhaan Cilmi Xirsi oo furitaankii ka hadlayay ayaa sheegay inay muhiim tahay ilaalinta deegaanka.
Culimaddu waxay dhankooda sheegeen inay diinta islaamku sheegayso in la dhowro deegaanka xaqa uu kugu lee yahayna la siiyo.
Maxamed Cabdi Cilmi oo ka tirsan Daladda PUNSAA ayaa sheegay inay muhiim tahay helitaanka talooyin gundhig u noqon kara bad baadinta deegaanka,wuxuna u mahad celiyay dhamaan dadkii kasii qayb galay kulanka oo uu ku tilmaamay inay yihiin dadkii looga baahnaa inay ka tashadaan aayaha deegaanka.
Dowladda Puntland ayaa loogu deeqay dhaqaale faro badan oo deegaanka lagu hagaajinayo,inkastoo aan howsha la bilaabin hadana dadku waxay sugayaan sida mashruuca deegaanka dhaqaalaha lagu bixiyay loo fuliyo.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe