Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ka hadashay dhibaatada gudniinka fircooniga ah

$
0
0

Garowe(pp) Kulan looga hadlayo joojinta gudniinka fircooniga ah ayaa lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland,waxana kasoo qayb galay masuuliyiinta wasaradda,ururo ka socda dadka iyo hay’addaha la shaqeeya.

Gudniin

Wasiir ku xigeenka wasaradda caafimaadka Saynab Ugaas Yaasiin ayaa sheegay wasaradda caafimaadka inay qayb ku lee dahay barnaamijyadda lagu cirib tirayo gudniinka fircooniga iyo dhamaan waxyaabaha lidiga ku ah haweenka Soomaaliyeed.

 

Waxay sheegtay madaxwaynihii hore ee Puntland Mudane CabdiRaxmaan Shiikh Maxamed Farole inuu door wayn ka qaatay sidii haweenka Puntland looga bad baadin lahaa gudniinka fircooniga ah,waxayna madaxwaynaha cusub Dr.Gaas ugu baaqday inuu door wayn ka qaato sidii dhibka haweenka loo tir tiri lahaa.

 

Drs.Xabiibi Nuux Muuse oo ka mid ah dadkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay dadka caafimaadka bartay inaysan haba yaraatee ku shaqayn gudniinka fircooniga ah,waxayna sheegtay dadka ku shaqaysta falkaasi inay shaqooyin kale u raadin doonaan si loo yareeyo gudniinkaasi saamaynta haweenka ku yeeshay.

 

Haweenka Soomaaliyeed ayaa la kulmo xadgudubyo ay ka mid yihiin kufsiga,gudniinka fircooniga ah,jirdil iyo guurka aan waafaqsanayn shareecada islaamka,waxana rajo wanaagsan laga muujinayaa inuu soo yaraaday faham darada laga haystay gudniinka fircooniga ah.

 

 

Cali Cabdi Ducaale

Puntlandpost.com

Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>