Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Xaflad lagu caleemo saarayo madaxda cusub ee Jubba oo Kismaayo ka socota

$
0
0

Kismaayo(pp)mamulka KMG ah ee Jubba ayaa wada xaflad ballaaran oo caleemo saar ah,taasoo loo qorsheeyay inay dhacdao 20-ka bishaan aanu ku jirno.

kismayo
Wasiirka warfaafinta ee mamulka Jubba Mudane ,Ibraahim Xasan Cabdi(Baajuun),ayaa Puntlandpost u sheegay inay wadaan qaban qaabo xoogan oo xaflada lagu qabanayo,taasoo loogu talo galay madaxda iyo gollaha wasiirada oo lasoo dhamaystiray,waxaa kasoo qayb galaya sida uu sheegay,Baajuun,masuuliyiin ka kala socda DFS,Puntland,dowladaha dariska la ah Somalia iyo Midowga Africa.

 
Ammaanka magalada Kismaayo ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana xaafadaha ka socda dadaalo iyo wacyi galin dadka loo samaynayo si ay nabadgalyada uga shaqeeyaan.

 
Wasiir Baajuun ayaa sheegay xafladu inay noqon doonto mid si wayn u dhacdao ayna taariikh reebi doonto.

 
Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa maalinkii shalay soo dhamaystiray gollihiisa wasiiradda,inkastoo aan wali lagu dhawaaqin mamulada degmooyinka iyo gobaladda.

 
Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>