Garowe(pp) Wafdi uu hoggaaminayo xiriiriyaha u qaabilsan QM arrimaha bini aadannimada Somalia Philippe lazzarini ayaa maantey kulan ay saxaafadu xog badan ka hayn madaxtooyada kula yeeshay madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas)
Lazzarina waxaa kulankiisa ku weheliyay madaxa UNDP ee Somalia iyo saraakiil kale oo QM ka socday,waxayna labada dhinac shirkooda uga wada hadleen xiriirka QM iyo deeq bixiyayaasha la yeelan doonaan dowladda cusub ee Dr.Gaas,waxana sidoo kale kulanka goob joog ahaa qaar ka mid ah wasiiraddii hore ee xukumadda Farole.
Ku simaha wasiirka qorshaynta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Tv-ga dowladda la hadlay ayaa sheegay kulanku inuu salka ku hayay hagaajinta xiriirka cusub ee Puntland iyo QM iyo waliba macaamilka dowladeed.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland ayaa wali ku mashquulsan soo magacaabista gollha wasiiradda,taasoo si wayn loo sugayo,waxana jira hadal hayn badan oo ku aadan inay soo noqonayaan qaar ka mid ah wasiiraddii hore.
Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inuu saaxiib dhow la yahay dowlado badan oo Puntland caawin kara.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe