Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

M.Biixi”Walaalahayaga Muqdisho way og soon yihiin inaan wada soo noqod danbe jirin indhahana iskama tirikaraan”Waraysi

$
0
0

Istanbul(pp) Ergooyinkii kala matalayay dowladda dhexe ee Somalia iyo Somaliland ayaa wada hadalkoodii afarta maalmood socday kasoo saaray heshiis qodobaysan oo lagada dhinac ay ku qanceen.

Maxamed-Biixi-Yoonis1Balse dadka siyaasada falanqeeya ayaa wada hadalkaasi ku tilmaamay mid aan wax badan soo kordhin doonin,maadama arrinta aadka loo wada hadal hayo aysan shirka iyo kuwii horeba uga hadlin,waana Midnimada Somalia iyo gooni isu taaga Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo waraysi siiyay BBC ayaa si cad u sheegay inaysan jiri doonin wax la yiraahdo israac Soomaaliyeed balse ay ku rajo wayn yihiin sida dowladdo siman in loo wada shaqayn doono.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay dowladda dhexe ee uu madaxda ka yahay Xasan Shiikh Maxamuud inaysan tabar iyo awoodna u ahayn dib usoo celinta Somaliland,balse taas badalkeeda ay u taagan yihiin aqoonsi iyo in dowladd ahaan looga danbeyo.

Waxa uu wasiir Biixi sheegay haddii wax rajo ah ay kasoo bixi waayaan wada hadalka,mamulka Somaliland uu wadooyin badan u furan yahay.

Rajada wada hadalka laga filan karo ayaa ah mid aad u hoosaysa,maxaa yeelay ilaa iyo hada arrimihii xasaasiga ahaa lagama hadlin,waxana lagu soo koobay wada hadalkii afarta bari socday,canbaarayn dagaalkii Siyaad Bare ee Waqooyi ku qaaday iyo jeexista wado rasmiya oo wada hadalka loosii maro.

 

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles