Sida ay qabaan Culimada ku takhakhustay cilmiga dhaqaalaha deetana kolkii ay waxbadan ka barteen dhaqaalaha sameeyey erayo iyo qaabab loogu howlgalo si loo abaaro jawi dhaqaale oo faa’iidana leh waxaa asaaska koowaad ee dhaqaaluhu uu ka bilowdaa Kalsooni iyo ka fiirsasho inta aadan ku dhaqaaqin fulinta mashruucaaga dhaqaalaha, taasi waxay fududaynaysaa bay dheheen inaad si xawli ah kor ugu kacdid, tusaale ahaan marka la abuurayo Muqaaxi Shaaha laga cabo ayna tahay Maalinkii koowaad ee Muqaaxidaas waxaa loo baahanyahay in Shaaha la karinayaayi uu noqdo mid la cabiray Sonkortiisa, Caleenta , Dhirta lagu darayo ama Inta Koob/Tarmuus ama Kirli ee maalinkaas la karinayo, Iyo qorshaha maalmaha dambe, dhamaan waxyaabahaas oo laga baaraan dagaayi waxay abuuri kadhaa in Ganacsigaasi uu fariisto deetana meheradaasi ay noqoto mid la isku haleeyo qofka sameeyeyna uu ku xisaabtami karo in ganacsigiisii uu si wanaagsan ugu howlgalay.
Laakiinse Culimada Dhaqaaluhu waxay marar badan ka digaan in laga badbadiyo jawiga ugu horeeya ee meherada lagu abaabulaya, Tusaale ahaan:- Hadii maalinka ugu horaysa lakariyo Shaah Xad dhaaf ah ama adeeg ka badan mid loosameeyo Meherad imika la abaabulay, waxay keeni kadhaa bay yiraahdeen In Dhaqaale burbur yimaado islamarkaasna anaanan mardanbeba dib loo furin muqaaxidii. Markaa Waxay markasta kutaliyaan in si degen oodulqaad ah looga baaraan dago maalmaha hore si aanan wax siyaado ah inta loo sameeyo uusan “Niyadjab” sababa dhaqaale burbur ugu imaan muqaaxida cusub.
“Halkaas fog ba maxaan Kaala doonay”. Waatii maalin dhawayd la doortay madaxweyne cusub oo ay yeelanayso Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Waxaan ula jeedaa Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaaska shanta sano ee soo socota ay golaha Shacabku u doorteen inuu na hogaamiyo, “Durba” markii la doortayba Waxaa suuqyada Siyaasada iyo macaa “Guryaha” ka biwowday is weydiin ay xaafad kasta, magaalo kasta Iyo gobolka kasta oo Puntland ah isku waydiinayaa “Tolow Madaxweynaheenu Muxuu inoo qabanayaa”, Waa dhab Shacabku inay Daaleen oo Maamuladii isaga dambeeyey ee Puntland soo maray midwalba uu arin gaar ah xooga saaray, haku mashquulsanaadaan samaynta dawlad dhexe, dib u naashnaashida nidaamka dawliga ah, qaarkood waatii ay ku mashquuleen dagaalo gudaha ah, kuwo kalena waxay xoogooda saareen qurxinta iyo qaabaynta magaalooyin iyo Guryo gaar ah kuwaasoo dhaqaalo badan Iyo Waqti badanba lagu bixiyey, Kolkaas waxaa ay dadka guduhu midwalba gaarkiisa u bilaabay inuu saamayntiisa ku yeesho dawlada cusub ee lasoo dhisi doono si gurigiisuuu qorshaha shanta sano ee soo socota wax ugu yeesho.
Madaxweynaha cusub iyo balan qaadkiisii ?!!!
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Waxaa u taalaa shaqo culus iyo balan qaadkii cuslaa ee uu sameeyey markii uu la “Xifaaltamayey” Dawladii uu kala wareegay xafiiska kuwaasoo ay ugu cuslaayeen dhisida nidaam dawli ah oo loo dhanyahay, dib u habaynta ciidamada qaranka si loo helo amaan buuxa, hagaajinta iyo habaynta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u soo celinta gobolada la ilooway deetana “Beylahay”, Waxbarashada iyo caafimaadka oolaga dhigayo waa siduu yiriye kuwo “lacag la’aan ah” iyo ugu danbaynta gaarsiinta nidaamka dimuquraadiga ah ee “Qof iyo Codkiisa” ONE MAN ONE VOTE. Qodobadaas iyokuwo kale oo uu iska iloowabay waa arimaha ugu muhiimsan ee laga sugayo Madaxweynahaha Puntland iyo malahayga dawlada uu soo dhisi doono.
DhaqankaWax kala Boobka Iyo Himiladeenu Ma iskeenayaan!!!
Dadka Soomaalida ah Cadadoodakuma jidho Samirka Iyo Isku tanaasulka ee taas badalkeeda waxaa dhaqanka Soomaalida aanan meelna uga maqnayn Waxkala dhacsiga Iyo Isximinta taasoo marka danbena kalifta Burbur xoogleh sida midka labaatanka sano mudada ka badan lagudhexjiray welina dalkeena haysta. Dhaqankaas soo jireenka ah ee Soomaalida ee kazoo bilowday berigii dadku xoolo dhaqatada ahaa ee lakala dhici jiray “Geela” iyo Imkaaniyaadka kale ee Muhiimka ah kaasoo ay ugu horeeyaan Deegaanka, Ceelasha Iyo Baadku Waakuwo weli taagan islamarkaasna ka jira meel kasta oo Soomaalidu isugu timaado, Waxaana dhaqankaasi uu macaa ka jiraa Dhulka Puntland kaasoo caqabad iyo culays siyaado ah ku noqonkara fulinta balanqaadkii dawlada cusub laga rajaynayey.
Tusaale ahaan:- Markii la doortay madaxweynaha cusub iyo Kuxigeenka ilaa manta waxay ku mashquulsanyihiin shirar ay ku qaabilayaan qabaa’ilaadka iyo wakiilo kayimid gobolada kaladuwan ee Puntland Kuwaaaso midkasta uu usoo “ARDAA” fariistay inaanan “CADKA” ugu fiican Gugaan hada ah aan laga qadin taasoo qaarkood ayba kuhanjabayaan inay keeni karto in aanan la wada joogaynin hadii taasi dhici waydo. Hadii Gobolka kasta ama aaniraahdo Qabiilwalbaayi uu doonayo inuu isago gadaal iyo horayba ka maamulo dawlada cusub deetanada wiilasha reerku ay noqdaan kuwa soo “Dhaamiya” Dhaanka, Oday kastana uu wiilkiisa la rabo in xafiis loo geeyo Guriyana looga dhisi mushaarka Hooyooyinka suuqyada laga soo aruuriyo taasi waxay keeni kadhaa in dantii guud meesha ka baxdo islamarkaasna shansano kadib aanu taagnaano halka aanu manta joogo ama meel kasii hoosaysa.
Shacabka maxaala gudboon?
Waa dhab, Waana xaqiiq in shacabka reer Puntland Midwalba gaarkooda u oomanyahay haba siikala darnaadaan goboladuye, laakiinse Waxaa shacabka reer Puntland iyo Odayaasha hormuudka u ahba looga baahanyahay inay lugo iyo Indhaba u noqdaan Dawlada cusub si ay uga miro dhaliso balanqaadyadii cuslaa ee “ILAAHAY” iyo Ummaduba ay goobjooga ka ahayd markii doorashadu ay dhacaysay Wixii naloobalan qaaday.
Madaxda cusub ee aanu dooranay Waxaa u taala shaqo culus oo dadbadani ay sugayaan marka laga tago dadka loo doortay ee reer Puntland Waxaa iyana rajo ka qabta in aanan la ilaawin “Soomaaliweyn” Oo dhan waayo Puntland Waa asaaskii waana hooyadii Dawlada Dhexe,markaas si shaqadaas loo fuliyo waxay u baahantahay in la helo nidaam shaqaynaya oo dadkuna ku kalsoonaan, tusaale ahaan Dawlada cusub waxaan hubaa todobaad gudaheed inay taageero badan lumin doonto oo dad badani ay mucaaradi doonaan kolka lasoo dhiso golaha Wasiirada,Beelkasta oo Wasiirada iska dhex waydaayi ma qadariso ama ma eegto tayada dawlada la filayo iyo waxa la helay ee waxaa xil ka saaranyahay oo kaliya in Nin wasiir ah oo xil culus haysta ay helaan,Kaasoo lagaba yaabo inuusan macaa dib danbe usoo eegin sidii aanu horay marar badan u aragnay.
Sida uu codsaday Madaxweynaha la doortay Waxaa muhiim ah in dawlada lasiiyo “Jawi degen” oo ay kushaqayso iyo “Waqti”Lagu qiimeeyo Waxqabadkeeda, kolka la badiyo kulamada iyo ka hadalka doodaha ku saabsan dawlada waxaa waxbadan oo waqti ahi ku lumayaa iyadoonan wax shaqo ah la qaban.
Sidii aan bilowgii Qoraalkayga kusoo xusay Inaanu ka rajayno Waxqabad culus oo heer Puntland ah dawlada Iyo In qofwalba uu rabo in dhaqaalaha iyo Mudnaanta koowaad uu yeesho Dawlada hantideeda Iyo Xilkeedana uu helaayi maahan mid iskeenaysa,Si ay himilooyinkeena guud u hirgalaan waxaa ila quman in aanu ka tanaasulno waxyaabo badan oo ay ugu horeeyaan Qaabka looqaybinayo Saamiyada dawlada.
Qalinkii: Abdikani Hayir
Cqxayir@hotmail.com
Facebook/Cqxayir