Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Howlgalo ammaanka lagu xoojinayo oo ka bilowday magalada Garowe(Warbixin)

$
0
0

Garowe(pp) Ciidanka ammaanka magalada Garowe ayaa baaritaano adag waxay ka bilaabeen galabta casar liiqii qaar ka mid ah xaafadaha magalada,ka dib markii maantadii hore uu qarax ka dhacay magalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug.

ciidaanCiidanka ayaa waxay amar la’aan ku galayeen xaafadaha kuwaasoo baaritaano adag ka samaynayay,dadka maraya wadooyinka xaafadaha Hodan iyo Waabari waxaa lagu samaynayay baaritaano guud.

Qof ka mid ah dadkii maantay guryahooda la baaray ayaa Puntlandpost u sheegay askarta wax baaraysa inay qabeen maasgaraati madow ayna iskugu jireen ragg iyo dumar.

”Askartu waxay ahaayeen kuwa madaxtooyadda waxayna qabeen maasgareeti,guryaha amar la’aan ayay kusoo galayeen,dadka xitaa wadooyinka maraya way baarayeen,gaadiidka ay wateen meel ka fog halka ay maaritaanka ka samaynayaan ayay uga soo tagayeen,mana aqaan sababta xiliga kan kusoo beegtay baaritaanadaan oo kale”.

Ciidanka ayaa wali ka wada baaritaanka xaafadaha Hodan iyo Waabari,mana jirto ilaa iyo hada cid ka hadashay howlgalada socda.

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu jiro shaki laga qabo kooxda alshabab inay qaraxyo ka fuliyaan magalada Garowe,maadama maalin ka dib la qabanayo xaflada caleemo saarka madaxda cusub ee Puntland,sidoo kale waxaa caawa aan shaqaynayn gaadiidka ay raacaan dadwaynaha nooca loo yaqaan (dhug dhugleey).

Howlgalkan ammaan ee ka socda magalada Garowe ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili uu qarax dad dilay maanta ka dhacay magalada Gaalkacyo,kaasoo mamulka Gobalka Mudug uu ku eedeeyay inay ka danbeeyaan kooxda alshabab.

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles