Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Kismaayo:Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo la kulmay madaxwaynaha mamulka Jubba(Dhagayso)

$
0
0

Kismaayo(pp) wali waxaa magalada Kismaayo xarunta mamulka Jubba ku sugan wafdi uu hoggaaminayo madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Xaaji Camey,waxayna kulan la qaateen madaxwaynaha mamulka Jubba Axmed Madoobe.

10Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka Puntland iyo Jubbaland u dhaxeeya,iyo sidii ay uga soo qayb gali lahaayeen xaflada caleemo saarka madaxa Puntland oo dhacayso 24-ka bishaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Xaaji Maxamed(Dhoobodaareed) oo ka mid ah wafdiga uu madaxwayne ku xigeenku hoggaaminayo ayaa Radio Daljir u sheegay kulanka ay la qaateen madaxwayne Axmed Madoobe inay ka wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan wada shaqaynta.

Waxa uu sheegey Xildhibaan Cabdixakiin wafdi ka socda mamulka Jubba inay imaan doonaan magalada Garowe.

Wafdigaan ayaa saacadaha soo socda kusoo wajahan magalada Garowe xarunta dowladda Puntland.

Puntlandpost.com
Xafiiska Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>